Sunday, 28 March 2010

Ban Ki Moon oo ku baaqay Carabta inay cunaqabateeyaan Al Shabaab

Ban Ki Moon oo ku baaqay Carabta inay cunaqabateeyaan Al Shabaab
March 28, 2010| NEWS: Category | 0 commentsXoghayaha Qaramada Midoobay Ban Ki Moon oo ka qeyb galaya shirka hogaamiyaasha dalalka Carabta uga socda magaalada Sirte ee dalka Liibiya, ayaa ugu baaqay Jaamacada Carabta inay gacan ka geysato cunaqabateynta la saarayo kooxda ka dagaalanta Soomaaliya ee Al Shabaab Mujaahidiin.

Xoghayaha Qaramada Midoobay ayaa ku tilmaamay kooxda Al Shabaab mid khatar ku ah shacabka Soomaaliya, isla markaana sheegay in dhibaato badan oo isugu jira dil, cabsi gelin, cadaadis iyo xad gudubyo kale ay kooxdaasi ka geysatay gudaha Soomaaliya.

Wuxuuna sheegay Ban Ki Moon in dadaalka beesha caalamka ay ku dooneyso in lagu cunaqabateeyo Al Shabaab ay gacan weyn ka geysan karaan wadamada Jaamacada Carabta.

Shirka 22aad ee Jaamacada Carabta oo magaalada Sirte ka furmay maalinimadii Sabtidii ayaa waxaa kasoo qeyb galay hogaamiyaasha Wadamad Carabta intooda badan, walow ay shirka ka maqan yihiin shan wadan oo carbeed oo ay ku jiraan, Emaaraadka, Baxrayn, Cumaan, Lubnaan, Masar, halka dowlada Sucuudiga ay soo dirtay wafdi heer wasiir ah.


Hogaamiyaasha Jaamacada Carabta ayaa shirkoodan diirada ku saaraya xaalada cusub ee ka taagan magaalada Barakeysan ee Qudus halkaasi oo uu maamulka Israiil doonayo inuu dhulbalaarsi ku sameeyo xaafadihii Carabta ku soo hareen ee Bariga magaalada Qudus.

Qodobada looga hadlayo shirka ayaa waxaa sidoo kale kamid ah xaalada dalka Soomaaliya, ayadoo shirka uu ku sugan yahay Wafdiga ka socda Soomaaliya ee uu hogaaminayo Madaxweynaha DFKMG Shiikh Shariif Axmed.

Dhanka kale hogaamiyaha dalka Liibiya Col.Mucamar Al Qadif ayaa la wareegay xilka Madaxweynaha Jaamacada Carabta ee sanadkan, xilkaasi oo ah mid wareegto ah ayaa waxaa sanadkii hore soo hayey Amiirka dalka Qatar, Hamad bin Khalifa al-Thani.